Latest News

Dildilaaca Soo Foodsaaray Argagixisada Al-shabaab, Iyo Shakiga Uu Dilkii Bashiir Qoorgaab Kala Dhex Dhigay Hogaanka Saree Ururkaas

Muqdisho, Tuesday 8, 2020 (Haatufonline) – Hogaanka saree Ururka Alshabaab ayaa u kala dilaacay laba kooxood oo ku loolamaya cidii qaban laheyd jagada hogaamineed ee ugu saraysa ururkooda ka dib marki sida la soo sheegay uu xanuun ku dhacay Axmed Cumar Diiriye (Abu Cubayda) oo ahaa Amiirki Alshabaab tan iyo markii la dilay hogaamiyihii isaga ka horeeyey ee Axmed Cabdi Godane bishii September 2014.

Abu Cabayda ayaa siday ilo Alshabaab ku dhaw dhawi sheegeen xilkii Amiirka Alshabaab ku wareejiyey ku xigeenkiisii Abukar Aadan. Hasa yeeshee waxa talaabadaas waxa ka horyimid xubno ka tirsan gudida fulinta ururuka oo uu hogaaminayo Mahdi Karate kuwaasoo usoo tafaxaytay inay hogaaminta Alshabaab gacanta ku dhigaan.

Loolanka ka dhex aloosmay labada kooxood ee kala raacsan Axmed Diiriye/Abukar Aadan oo isku dhinac ah iyo Mahad Karate oo dhinac ah ayaa sababay dildilaac ku yimaadda qaybihii kale ee ururka sida ciidamada.

Dhinaca kale dilkii Bashiir Qoorgaab oo horaanti sanadkan ku geeriyooday duqeyn cirka ah ayaa shaki weyn soo kala dhex dhigay madaxda ururka Ashabaab iyadoo dilka Qoorgaab dhacay 2 todobaad ka dib marki laga xayuubiyey xilalkii ciidan iyo maamul ee uu hayey.Qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Alshabaab iyo madax dhaqmeed ka tirsan beeshii uu kasoo jeeday Basiir Qoorgaab ayaa aaminsan in xubno sarsare oo ka tirsan Alshabaab ay hoos ahaan u bixiyeen sirta goobtii uu ku sugnaa Qoorgaab markii duqeynta lala beegsaday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*