Latest News

Dilkii Sulaymaani oo Loo Xidhay Laba Qof Oo La Socday Diyaaraddi Janaraalk Keentay Baqdaad Iyo Sarkaal Ciraaqi Ah Oo Xiligaa Ku Sugnaa Madaarka

Baqdaad, January 4, 2020 (Haatufonline) – Ciidamada sirdoonka ee dalka Ciraaq ayaa qabtay nin Ciraaqi ah iyo mid Suuriyaan ah oo la socday diyaaraddii Janaraalkii reer Iran Qaasim Sulaymaani kasoo qaadday Suuriya ee keentay Baqdaad ka hor intaanay Maraykanu ku dileen meel ku dhaw madaarka Baqdaad Jimcihi shalay.Labadan nin iyo sarkaal Ciraaqi ah oo xiligaa madaarka ku sugnaa ayaa waxa wax laga weydiinayaa arimo la xidhiidha dilki Sulaymaani oo ay diyaarad Drone ah oo Maraykanku leeyihiin gantaal ku dhufatay gaadhi uu Janaraalku saarnaa oo kasoo qaaday madaarka Baqdaad halkaas oo uu ku dhintay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*