Latest News

Diyaarad Siday Raashin Gargaar Ah Oo Ku Burburtay Garoonka Baladweyne

Baladweyne, July 14, 2020 (Haatuf) – Diyaarad xamuul ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana ka badbaaday saddex qof oo isugu jiray labadii duuliyayaal iyo Engineerkii dayaaradda

Dayaaradaan burburtay ayaa waxaa iska lahaa sharikadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya. Waxayna ka soo kicitinta magaalada Jabuuti. Waxayna siday raashiin sida uu Warbaahinta uu u xaqiijiyey agaasimaha duulista raydka ah Axmed Macalin Xasan. Ilaa iyo hadda ma cadda xamuulka ay wadday oo laga yaabo in uu shilkaan keenay.

Dayaarad labaad oo sidoo kale ka soo kicitinka dalka Jabuuti oo ay lahaayeen sharikadda Bluebird ayaa u soo gudubtay magaalada Moqdisho ka dib markii ay ku dagi-weysay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beled weyne.

Diyaaradaan oo ah nooca Dash-8 kuna diiwaan-gashay 5Y-VVW ee dalka Kenya ayaa waxay u kireysneyd ciidanka dawladda Mareykanka, waxayna si joogta ah raashiin u keeni jireen ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Sannadkaan Soomaaliya, waxay noqotay sannad ay kusoo badanayaan shilalka diyaaradaha. Shilkaan ka dhacay garoonka magaalada Beled Weyne ayaa noqonaya shilkii afaraad muddu ka yar afar bilood.

Shilkii ugu xumaa wuxuu ka dhacay afartii bishii May, kadib markii lasoo riday diyaarad shixnad gargaar sidday oo ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Bardaale, 5 qof ayaa ku dhintay shilkaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*