Latest News

Dooda Iyo Falanqaynta Miisaaniyadda 2020-Ka Ee Wasaaradaha Iyo Hay’adaha Dawladda Oo Bilaabantay

Hargeisa, September 29, 2019  (Haatuf Online)  – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland iyada oo ku guda jirta, raacaysa-na geedi socodka diyaarinta Miisaaniyadda 2020-ka ee Xeerka Maamulka Maaliyaddu, waxay si rasmi ah shalay u bilowdey wada xaajoodka iyo falanqeynta Miisaaniyadda 2020-ka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda.
Doodaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa waxa
gudoominayey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Cabdiqaadir Maxamuud Sheikh Muxumed (Dhagowayne), isla markaana uu ka qaybgalay doodaas Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan iyo masuuliyiin sarsare oo kala socday hay’adaha kala duwan dawladda.
Shirkan lagaga doodayey qaybinta miisaaniyad sanadeedka 2020-ka ee hay’adaha dawladda ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey, iyadoo laga duulayo meelaha mudnaanta wayn la siinayo miisaaniyadda 2020-ka.
Sidoo kale miisaaniyadan ayaa noqonaysa tii u horaysa ee nooceeda ah ee lagu diyaariyo Nidaamka Macluumaadka Maamulka Maaliyadeed ee Somaliland ee loo yaqaan (SLFMIS), iyadoo la sugayo xogaha maaliyadda qaranka, isla markaan lagu sargoynayo buuga miisaaniyadda ee 2020-ka oo ay ka muuqan doonaan baahiyaha iyo adeegyadda aas-aasiga ah.
Wada xaajoodkaas iyo falanqeyntaas ayaa waxa aasaas looga dhigay qodobadda ku xusan Siyaasadda Miisaaniyadda 2020, ee ay sargooyeen Gudidda Siyaasadda Miisaaniyadda Qaranku.
Miisaaniyadda 2020 oo salka ku haysa Tiiraarka Qorshaha Horumarinta Qaranaka ee 2 ayaa waxa dhamaadka doodan oo socon doonta mudo laba todobaad ah loo gudbin doonaa Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda oo ka gudan doona waajibaadyadooda dastuuriga ah.
Sidoo kale Waxa xusid mudan, in wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ay diyaarisey Qorshe miisaaniyadeedka mudadda dhexe ee loo yaqaano Medium Term Fiscal framework ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano(MSSF), kaas oo lagu saadaalinayo dakhliga iyo kharashka saddexda sano ee soo socda, kuwaas oo dhawaan loo gudbin doono Golayaasha Wasiiradda iyo Wakiiladda.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*