Latest News

Doorashada Ghana: Madaxweyne Nana Akufo-Addo Oo Mar Kale La Doortay

Accra, December 9, 2020 (Haatufonline) – Madaxweynaha dalka Ghana, Nana Akufo-Addo ayaa ku guulaystay doorasho ka dhacday dalkaasi maalintii Isniintii, taas oo isaga dib loogu doortay inuu Noqdo mar kale Madaxweynaha dalka Ghana.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo ayaa la sheegay inuu ku guulaystay codadka boqolkiiba 51.59, Natiijo ay soo saareen Arbacadii maanta guddida doorashadu.

Dalkan Ghana oo ku yaala Galbeedka Afrika ayay ka dhaceen rabshado ay dad ku dhinteen, waxaanay natiijadani ay daba socotay natiijooyin ay musharaxiintu ay ku sheeganayaan inay hoggaaminayaan natiijada codadka doorashada.

Shan qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay doorashada oo soctay tan iyo maalintii Isniintii, sida ciidamada boolisku ay sheegeen.

Kuwaas oo tilmaamay inay diiwaangaliyeen tiro ka badan 60 dhacdo maalintii codbixinta ee Isniinta, taas oo Madaxweyne Nana Akufo-Addo uu u ordayey in mar kale dib loo doorto, isagoo kuwa tartanka kula jira uu ugu wenaa madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama, iyo 10 Musharax oo kale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*