Latest News

Dowladda Soomaaliya Iyo Qaramada Midoobay Oo Heshiis Iskaashi Kala Saxeexday

Muqdisho, October 15, 2020 (Haatufonline) – Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta wada saxeexay heshiis wadashaqayneed oo cusub, kaas oo Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay ku wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socoda.

Saxeexa Heshiiskan oo ka dhacday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa dhinaca dawladda federalka ee Somalia uga qaybgalay Raysal Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Maalgelinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, halka Qaramada Midoobayna uu joogay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Heshiiskan cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore, kaas oo wakhtigiisu ku eg yahay dhamaadka sanadkan.

“Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Swan ka yidhi xafladdii saxeexa heshiiska.
Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs). Hiigsiga waa baaq caalami ah oo la rabo in lagu ciribtiro saboolnimada, lagu dhawro adduunka, laguna horumariyo nolosha iyo horumarka qof kasta meesha uu doono ha ku noolaado e, waxaana Hiigsigan meelmariyay Dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobay sanadkii 2015 isagoo qayb ka ah Hiigsiga 2030, oo dhabbaha u xaaraya qorshe 15-sano ah si loo gaaro himilooyinka SDGs.
Si gaar ah, Heshiiska cusubi ee UNCF wuxuu sharraxayaa hababka Qaramada Midoobay u damacsan tahay inay u taageerto mudnaanaha dowladdu leedahay ee ay ayada majaraha u hayso. Dhidibadda ugu muhiimsani ee waxqabad ee Heshiisku waxay la jaanqaadayaan kuwa ku xusan Qorshaha Qaran ee Sagaalaad ee Soomaaliya (NDP-9), haddii la xusana kala ah, siyaasad loo dhan yahay, dib-u-heshiisiin, amniga iyo ku dhaqanka sharciga, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.
“Heshiiska cusub waa lib wada-shaqaynayd oo wax-ku-ool ah oo ay yeeshaan Qaramada Midoobay, Dowladda iyo Saamilayda kale,” ayuu yidhi Mudane Abdelmoula. Qaramada Midoobay iyo Bahwadaagta kale, iyagoo sii maraya Heshiiskan, waxay ku sii dadaali doonaan inay la tacaalaan sababaha qaabdhismeed ee horseedka u ah burburnaanta daba dheeraatay iyo xasillooni darrada ee xaddiday horumarka waara ee loo dhan yahay ee Soomaaliya muddo toboneeyo sano ah.”
Isagoo ka hadlayay munaasabadda, Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay QM si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada.
“Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yidhi Raysal Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.
Tiro mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa joogay munaasabadda halka kuwa kale ay qaab onlayn ah uga qaybgaleen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*