Latest News

Dowladda Soomaaliya Oo Dalbatay In Loo Soo Gacan Galiyo Wasiir Janan Oo Dhawaan Ka Baxsaday

Muqdisho, (Haatuf) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii Amniga Jubbaland oo dhawaan ka baxsaday meel ay ku xidhay dawladda Somalia.

Dawladda Somalia ayaa dalabkeeda ku socodsiisay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo Cabdirashid Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Dowladda ayaa waxaa ay arintan xiriir kala sameysay  Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo  danbiyo la xiriira tacadiyo ka dhan ah  xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan. 

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dhiggeeda dalka  Kenya ka codsatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo qabato, una soo  wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo  xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo  adkeynta xasilloonida. Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imanaya xili sidan oo kale qoraal ka soo baxay hay’adda Amensty International oo lagu looga codsaday Kenya in u gacan galiso dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Janan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*