Latest News

DP World Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Dhegaysigii U Dambeeyay Ee Dacwaddooda Ka Socota London

London, (Haatuf) – Shirkadda DP World ayaa ku guuleysatay
dhegaysigii u dambeeyay ee dacwadda u dhaxaysa Dawladda Jamhuuriyadda,
Dacwaddaasi oo ku saabsan Dekedda Doraleh ee Dalka Jabuuti oo DP World
Maalgelisay, balse Maamulkeeda ay Jabuuti kala wareegtay.

Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka Caalamiga ah ee London
ayaa amartay in Jabuuti soo celiso xuquuqaha iyo faa’iidooyinka iyada oo la
raacayo heshiiskii 2006 ee DP World iyo Dawladda Jabuuti ee ku saabsanaa
Dekedda Doraleh.

Maxkamaddu waxay sheegtay in Jabuuti looga baahan yahay
inay soo celiso Xuquuqaha ka maqan DP World ama muddo 2 bilood gudahood ah DP
World ku siiso magdhow u dhigma khasaaraha soo gaadhay.

Khabiir madax-bannaan ayaa ku qiyaasay khasaaraha
shirkadda DP World in ka badan $1 bilyan, sida uu Maanta baahiyey Wargeyska
Portstrategy oo ka warrama arrimaha la xidhiidha Dekedaha Caalamka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jabuuti ay ku kacday arrin
sharci darro ah markii ay si khasab ah uga saartay shirkadda DP World Maamulkii
Dekedda Doraleh bishii February, 2018, laakiin Jabuuti way diidday arrintaasi.

Shirkadda DP World oo Maamulka Dekedda gacanta ku haysay
illaa sannadkii 2006-dii, ayaa Dawladda Jabuuti ka wareejisay 22-ka bisha February
ee sanadkii 2018-kii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial