Latest News

Dr Maxamed Axmed Oo Ka Hawlgala Cusbitaalka Ugu Weyn Turkiga Oo Dawooyin Soo Gaadhsiiyey Somaliland

Hargeysa, (Haatuf) – Dr Maxamed Axmed oo ah Digtoor ka hawlgala cusbitaalka ugu weyn Turkiga ee dawliga ah ayaa maanta deeq Dawooyin ah ku wareejiyey ururka dhaqaatiirta Somaliland.

Weftigan uu horkacayey Dr Maxamed Axmed oo ay wehelinayey
Dakhaatiir u dhashay dalka Turkish ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye.
Kuwaas oo markii dambana ururka Dhakhaatiirta Somaliland ku wareejiyey Daawooyinka
ay Somaliland soo gaadhsiiyeen.

Waxaana masuuliyiinta ururka Dhakhaatiirta Somaliland ay
uga mahadnaqeen weftigan deeqda Dawooyinka ah ee ay soo gaadhsiiyeen, iyadoo Dawooyinkan
loogu talogalay inay sii gaadhsiiyaan goobaha fogfog ee dadka barakacay ay ku
noolyihiin.

Waxaana la filayaa in dawooyinkani ay wax ka tari doonaan baahiyaha shacab badan reer Somaliland oo ku dhaqan dhulka fogfog.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial