Latest News

Eritrea : Gadood Ciidan,Saraakiisha Oo Lagu Amray Inay Dhaawac Dilaan Askartooda Si Shacbiga Gudaha Looga Qirayo In Eritrea Dagaalka Gobolka Tigray Ku Jirto

Asmara,December 3,2020(Haatufonline)-Warar aan wali la xaqiijin ayaa tibaaxaya gadood ciidan oo ka taagan qaar ka mid xeryaha ciidanka Eritrea ee ku yaala dhawr gobol oo ka tirsan dalkaasi iyadoo Asmara oo ah caasimadda wadankaas lafteeda uu sida la sheegay guux ka taaganyahay ciidanka dhexdiisa.

Madaxweynaha Eritrea ayaa horaantii bishii ina soo dhaaftay gaasas ka ka mid ah ciidankiisa u diray gobolka Tigray ee Itoobiya si ay uga barbar dagaalamaan ciidanka dawladda Itoobiya dagaalka ay kula jireen ciidankii gobolka Tigray ee TPLF.Hasa yeeshee dadka reer Eritrea ayaa laga qariyey in ciidamada dalkoodu ay ka qaygalayaan dagaalka gobolka Tigray ee xadka la leh dalkooda kamana jirto dalkaasi gudahiisa warbaahin madax baanaan oo maxali ah iyo mid ajnabi ahi toona.Sida laga soo xigtay qurbojooga Eritrea ay sheegeen saaraakiisha ciidanka Eritrea ayaa waxa lagu amaray inay dhaawac dilaan askartooda dhaawacu soo gaadho oon loo soo qaadin gudaha dalka si aan shacbigu u ogaanin.Ka-qayb-galka dagaalka Tigray ayaa loo nisbaynayaa xaaladda cakiran ee ka aloosantay dalka Eritrea.

Dhinaca kale ciidamada Eritrea ee ka qaybgalay dagaalkii gobolka Tigray ayaa dalkooda u rartay alaabooyin farabadan oo ay kasoo biliiliqaysteen magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka Tigray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*