Latest News

Ethiopia: 13 Arday Oo Loo Xidhay Isku Dhac Dhexmaray Ardayda Jaamacada Woldia

Wollo, (Haatuf) – Ugu yaraan laba arday ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay jaamacada Woldia oo ku taala badhtamaha waqooyiga dalka Ethiopia, gaar ahaana Dawadd Deegaanka Amxaarada kadib markii isku dhac uu Ardayda ku dhexmaray gudaha Jaamacada.

Tiro kale oo arday dhaawacantay ah ayaa jira, kuwaas oo xogo laga helayo cusbitaaku ay sheegayaan inay gaadhayaan 14 arday, sida ay ku warantay Qaybta Amxaarada ee BBC-du.

Gudoomiyaha Gobolka Wollo oo ka tirsan kililka Amxaarada dalka Ethiopia, Woldetinsae Mekonnen ayaa cadeeyey in labada arday ee dhintay ay ku dhinteen isku dhacaasi gudaha jaamacada ku dhexmaray ardayda.

Waxaanu intaasi raaciyey in ciidamada amaanka lagu wargaliyey markii isku dhacu bilaabmay oo ay soo gaadheen goobta 15 daqiiqo gudahood, isla markaana labada arkday ay dhinteen 15 daqiiqo gudahood markii isku dhacu bilaabmay base markii dambe waxa si dhakhso ah u kala dhexgalay ciidamada amaanka oo gudaha u galay xayndaabka jaamacada.

Ma cada in isku dhucu u dhexeeyey kooxo arday ah. Waxaanu Woldestinsae uu sheegay in Jaamacadu ay ku taalo duleedka magaalada Woldia, sidaa darteedna aanay dadka magaalada degeni la socon  dhibaatada dhacday.

Dhinca kale bileyska maamulka gobolka Amxaarada dalka Ethiopia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 13 Ethiopian ah oo lala xidhiidhiyey rabshadaasi jaamacada ka dhacday.

Agaasimaha Xidhiidhka arimaha Ardayda, ee Jaamacada Woldia University ayaa isaguna sheegay in 13 qof ee la xidhay looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dhimashada labada arkday, baadhistuna ay socoto.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*