Latest News

Ethiopia Oo Xaqiijisay Qofkii U Horeeyey Ee U Geeriyooday Coronavirus

Addis Ababa, April 5, 2020 (Haatuf) – Wasiirka Caafimaadka dalka Ethiopia Dr. Lia Tadesse ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitterka waxa ay ku sheegtay in haweenay 60-jir ah ay u geeriyootay Fayraska COVID19.

Dalka Itoobiya ayaa maalinba maalinka xigta isa soo taraysay tirada dadka uu soo ridanayo cudurkan Covid 19, iyadoo halka kaliya ee hadda dadka lagu ogaado inay qabaan xanuunkan ay tahay magaalada Addis Ababa.

Degaanada kale ee dalka ayaa iyagu wada dadaallo lagaga hortagayo cudurkan inuu faafo, iyadoo wacyi galintu ay si joogta ah uga socoto guud ahaan dalka Itoobiya.

Qalabka lagu ogaado cudurkan COVID19 ayaa la filayaa in qaybo kamid ah degaannada dalka ay dhawaan shaqadooda bilaabi doonaan.

Tirada u dambaysay ee dadka qaba cudurka COVID19 gudaha Itoobiya ayaa ah 43 qof oo mid kamid ahi uu maanta geeriyooday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*