Latest News

Ethiopian Airlines Oo Diiday Inay Joojiso Duulimaadyada Shiinaha

Addis Ababa, (Haatuf) – Shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa diiday inay joojiso duulimaadyada ay iskaga kala gooshto dalka Ethiopia iyo Shiinaha, xili dhawr shirkadood oo waaweyni oo aduunka ahi ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Shiinaha ka dib markii uu dillaacay caabuqa coronavirus.

Shirkadda Ethiopian Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadka ugu saameynta badan qaaradda Afrika, ayaa Ethiopian Airlines waxay mar kale xaqiijisay taageero ay u muujinayso dowladda Shiinaha iyo dadkeeda.

Waxaanay ku adkaysatay inay la shaqeyn doonto dhammaan hay’adaha Shiinaha iyo Ethiopia ee ay khusayso si looga ilaaliyo rakaabka iyo xubnaha shaqaalaha ah cudurka coronavirus.

Hase yeeshee Agaasimaha Shirkadda Ethiopian Airlines, Tewolde Gebre Mariam ayaa sheegay in Ururka Caafimaadka Aduunku ay siisay dhamaan hanaankii la raaci lahaa isla markaana ay si buuxda ugu hoggaanyihiin tilmaamaha Ururka Duulista Hawada Caalamiga, W.H.O. iyo Xarunta Xakamaynta Cudurrada.

Si kastaba ha ahaatee dadka qaar ayaa u arka ogolaanshan loo siiyey shirkadda Ethiopian Airlines inay sii wado duulimaadyada ay ku tagayso ama kaga imanayso dalka Shiina inay tahay masuuliyadd daro weyn oo khatar galinaysa boqol milyan oo Ethiopian ah iyo dadka ku nool guud ahaan gobolkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*