Latest News

Fadhigii Golaha Wasiirada Somaliland Oo Qabyo Qoraalka Xeerka Carruurta Lagu Ansixiyey

Hargeysa, (Haatuf) – Fadhigii 53aad ee golaha wasiirrada
Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka
Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa ay maanta
ansixiyeen qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta, sidoo kale waxa
uu goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa
fadhigoodii maanta ku ansixiyey qabyo qoraalka xeerka ilaalinta xuquuqda
carruurta, xeerkaas oo lagu dabaqi doono illaalinta xuquuqda carruurta, waxa
kale oo goluhu dood ka yeesheen qabyo qoraalka xeerka maalgashiga qaranka.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska
ayaa golaha warbixin ka siiyey waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah, isagoo
xusay doorka wasaaradda ee dadkaas, waxaana golaha wasiiradu go’aamiyeen in
mudnaan gaara la siiyo.

Ugu danbayn waxa goluhu dood iyo falaqayn ka yeesheen
xaaladda guud ee ganacsiga, kala xadaynta ganacsiga, tayada ganacsiga, iyadoo
loo saaray guddida dhaqaalaha ee goluhu inay warbixin buuxda ka soo diyaariyaan
xaaladda ganacsi ee dalka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial