Latest News

Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Lagu Lafo Guray Arrimo Muhiim U Ah Bulshada

Hargeysa, Febr-6, 2020 (Haatuf) – Fadhigii 54aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu lafo-guray mashruuca maamul-daajinta dawladaha hoose ee Bulshada loogu dhaweynayo Adeegyada Aas-aasiga ah ee JPLG-ga iyo arrimo kale oo qaranka muhiim u ah.

Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda
Somaliland ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo
maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne
ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha
hoose uga faa’iidaystaan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxu tilmaamay in mashruucan oo
dalka ka bilaabmay sannadkii 2008-dii Laguna bilaabay 8-degmo sannadkan
2020-kana lagu fidiyay 3-degmo oo cusub oo ah degmooyinka Ceergaabo,
Laascaanood iyo Caynaba.

Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan,
ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo
maamul-daadejintiisa oo lagu ballaadhiyay adeegga Aas-aasiga ah ee arrimaha
bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, waxana mashruucani
muujinayaa diyaarinta qorshaha degmooyinka iyo horumarka maamul-daadejinta,
isaga oo door muuqda ka qaadanaya kor uqaadidda iyo koboca dhaqaale ee
dawladaha hoose ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka,
ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka dalka, isagoo dul
istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii
looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus, iyadoo madaarrada,
dekedaha iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland heegan buuxa la geliyay
laguna diyaariyay kooxo caafimaad oo tababaran.

Wasaaradda horumarinta caafimaadku waxay bulshada
Somaliland ku baraarujinaysaa inay ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaafadda
goobahooda waxayna wasaaraddu kaashanaysaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO
iyo daneeyayaasha caafimaadka Somaliland.

Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa
warbixin qoto dheer golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh,
iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka,
waxbarashada iyo xirfadaha.

Ugu danbayn wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta
Jidadka, ayaa golaha u soo bandhigay daraasadda gaadiidka dawladda isagoo
iftiimiyay qorshayaasha loo dejiyay gaadiidka ee ilaalinta, dayactirka iyo
tayaynta gaadiidka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial