Latest News

Fanaanka Cabdi Tahliil Warsame Oo Ku Geeriyooday Muqdisho

Muqdisho, June 5, 2020 (Haatuf) – Waxa  xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee fannaankii caanka ahaa ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo dhowr sano ah ku xanuunsanayey Somalia.

Geerida fannaanka Cabdi Tahliil waxaa xaqiijiyay bahda fanka iyo qoyskiisa, iyagoo Alle uga baryay inuu u naxariisto Fanaanka.

Wuxuu ahaa fannaan cod wanaagsan oo heeso badan oo la jeclaa qaadi jiray, isagoo ka mid ah ahaa heesahaasi lagu xusuusan doono Cabdi Tahlil Warsame “Gaaraa-bidhaan , Xoodaamo,  la yidhi kaftan reer magaal, Soomaaliya Soomaali baa leh ” iyo heeso badan oo kale.

Alle ha U Naxariistee Fannaan Cabdi Tahliil Warsame ayaa dadka sida dhow u yaqaannay waxay sheegeen inuu ahaa nin Afgaaban oo Soomaali jecel.  Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay ayaa ka tacaiyeeysay geeridiisa.

Fannaanka geeriyooday ee Cabdi Tahliil Warsame wuxuu ka mid ahà hobolladii ugu magaca dheeraa kooxdii fanka ee Waabari

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*