Latest News

Farmaajo Iyo Kenyatta Oo Ka Wadahadlay Xidhiidhka Labadooda Dal Ee Xumaaday

Muqdisho (Haatuf) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka
Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya, Uhuru
Kenyatta ayaa khadka Telefoonka ku wada-hadlay, Maalmo ka dib dagaal Magaalada
Beled-xaawo ku dhex maray Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa
Maamul-gobolleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa sababay Ciidammada Maamulka Jubbaland u
gudbaan xuduudka Kenya, gaar ahaan Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari
ee Kenya, isla-markaana uu khalkhal galo amniga xuduudka labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay ahmiyadda ay labada
Dal u leedahay in laga wada shaqeeyo amniga xuduudka, taasi oo muhiim u ah
xasilloonida guud ahaan Gobolka, sida lagu sheegay qoraal ay Internet-ka ku
baahisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta ayaa isla gartay in labada
Dawladood si wada jir ah u wada shaqeeyaan.

Sidoo kale, Waxay isla qaateen in dhawaan guddiyo ka
socda labada Dawladood ay ka wada hadlaan Xidhiidhka dhinaca Diblumaasiyadda
iyo ka Ganacsi ee ka dhexeeya labada Dal.

Xidhiidhka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa
yimid, Maalmo uun ka dib, markii Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya ku
eedaysay inay gudaha dalka ka waddo falal ku ah madax-banaanida Soomaaliya,
Kenyana ay eeddaasi oo kale u jeedisay Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial