Latest News

Farmaajo Oon Lagu Casuumin Caleemo-Saarkii Geele Oo Isku Dayey Inuu Joojiyo Rooble Oo Gaar Loo Casuumay Iyo Isku Dhacoodii

Muqdisho,May 15,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha Somalia ee mudo-xileedkiisu dhamaaday M.C.Farmaajo iyo sii-hayaha raiisalwasaara Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalintii doraad isku dhacay taasoo ka dhalatay casuumad uu raiisal wasaaraha dawladda Jibuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamad u fidiyey raiisalwasaare Rooble inuu kasoo qaybgalo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jibuuti Ismaaciil Cumar Geelee oo markii shanaad ku guulaystay doorashadi madaxtinimada dalkiisa.

Hadaba siday tibaaxeen ilo xogogaal ah oo waliba ku sugan madaxtooyada Somalia Mr Farmaajo ayaa isku dayey maalintii doraad inuu Rooble ku qanciyo in aanu ka qaybgalin caleemo saarka Geele oo aanu tagin Jibuuti.Hasee yeeshee siday ilahaas sheegin Farmaajo iyo Rooble ayaa si xun iskugu dhacay oo qayladooda laga maqlayey koonayaasha Vill Somalia oo dhan ka dib markii uu Rooble ku adkaystay inuu ka qaybgalo caleemo-saarka Geelee isagoo arintaas kaga dhabaynayana waxa uu Rooble shalay u dhoofay magaalada Jibuuti halkaas oo uu kaga qaybgalay xafladdii Ismaaciil Cumar Geele oo Sabtidan maanta loo dhaariyey jagada madaxweynaha dalka Jabuuti ee shanta sanadood ee soo socota.

Safarkii Rooble ka dib ayaa Villa Somalia waxay ka dalbatay website-yada ay wax ku shushubato inay warka tagitaanka Rooble ee Jabuuti ka dhigaan mid ka dhashay ka dib markii uu Farmaajo ka cudurdaartay casuumadda Jabuuti oo dabeeto uu Rooble u igmaday inuu wakiil ka noqdo oo kale.

Connect with us on Facebook