Latest News

FBI-da Oo Markii U Horaysay Hawlgal Wadajir Ah Ka Fulinaysa Meel Ka Baxsan Maraykanka

Washington, Febr-, 11, 2020 (Haatuf) – Wasaarada Arrimaha
Dibada Maraykanka iyo Hay’adda FBI-da Maraykanka  ayaa iska kaashaday sidii ay dalka Kenya uga
caawin lahaayeen “Abuurista Howlgalka Wadajirka ah ee Argagixisada (JTTF)” oo
markii ugu horaysay laga samaynayo meel ka baxsan dalka Maraykanka.

Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanku waxa ay intaasi ku
dartay in hay’addan JTTF-ka ay Kenyanku uu hoggaamin doono, isla markaana uu
noqon doono hay’ad baadhitaanno samaysa oo ka hortaggta argagixisada oo ku
sugan Nairobi, Kenya.

Hindisahan lagu dhisayo hay’addan Wadajirka ah ee la
dagaalanka Argagixisadda ee Kenya (JTTF-K) ayaa bilaabantay ka dib weerarkii al-Shabaab
ay ku qaadday Hoteelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, Kenya bishii January 16,
2019, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo JTTF oo tababaro ay siiso FBI-du.

Dalka Kenya ayay FBI-du u tababari doontaa 42 baadhayaal
Kenyan ah, kuwaas oo heli doona tababar 12-todobaad ah oo ku saabsan la-dagaallanka
argagaxisada oo ay ku qaadanayaan Akadeemiyada FBI-da ee Quantico, Virginia ka
hor inta FBI-du aanay maamulin manhajka isla markaana aanay bixin tababar ku
saabsan kaalmooyinka hay’adaha kale.

Hase yeeshee waxa la sheegay in baadhitaannada ay fulin
doonto JTTF-K lagu salayn doono ama la raaci doono Xeerarka iyo shuruucda
caalamiga ah iyo in la barbar dhigo xuquuqda aadanaha. Maamulka sharciga ayaa
laga soo saari doonaa dastuurka Kenya iyo heshiisyada caalamiga ah. Kiisaska
waxaa lagu qaadi doonaa maxkamadaha Kenya, kuwaa oo dastuurka dalkaasi uu
ogolaanayo la-hawlgalayaasha shisheeye in ay si guul leh uga hortagaan khatarta
argagixisada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial