Latest News

Filanwaaga Ku Dhacay Abiy Axmed Iyo Raiisalwasaarenimadisii Oo Qirinqiir Gashay : Madaxweynaha Ethiopia Iyo Aqlabiyadda Fulinta Xisbiga Cusub Ee PP Oo Soo Jeediyey In Xisbigu Doorto Hoggaan Cusub Maa Daama Abiy Axmed Laga Soo Dhex Doortay Xisbigii EPRDF.

AdisAbaba,September25,2020 (Haatufonline)-Hoggaamiyaha Ethiopia Abiy Axmed ayaa raiisalwasaarenimadiisi qirinqiir gashay ka dib markii ay madaxweynaha Ethiopia Sahlo Worq Zewde soo jeedisay in loo tartamo jagada gudoomiyenimada xisbiga cusub ee PP ee talada dalka haya.

Soojeedintan haweenayda Worq Zwede oo filanwaa ku noqotay Abiy Axmed ayaa waxa ku taageeray arinkaa 6 xubnood oo kale oo ka tirsan fulinta xisbiga PP ee uu waqtigan gudoomiyaha ka yahay Abiy Axmed taasoo ka dhigaysa aqlabiyadda hogaanka sare ee xisbigaasi inay ka dhan yihiin in Abiy Axmed sii hayo xilka gudoomiyenimada xisbiga PP ee uu isagu aasaasay si uu uga takhaluso xisbigi EPRDF ee xukumayey dalka Ethiopia tan iyo 1991 ilaa 2018.

Xubnaha hogaanka saree PP ayaa waxay ku sababeeyeen arinkan in maa daama Abiy Axmed laga soo dhex doortay xisbigi EPRDF ay banaan tahay in xisbiga cusub ee PP uu doorto gudoomiyahiisa oo jagadaasi tartan doorasho ah ku timaaddo.

Abiy Axmed ayaa gaashaanka u daruuray mooshinki xisbiga gudahiisa laga soo jeediyey hasayeeshee siday dadka falanqeeya siyaasaddu tilmaamayaan waxa suurtogal ah in arintani ay dildilaac xoog leh ku keento xisbigii uu Abiy Axmed dhabdhabayey ee 10 ka bilood ee kaliya laga joogo xiligii uu ku dhawaaqay.

Falanqaynayaasha siyaasadda ayaa Mowqifka Sahle Work Zwede oo kasoo jeedda qowmiyadda Amxaarada ku tilmaamay in Amxaaradu ay isku rogeen Abiy Axmed.

.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*