Latest News

Sababta Dhabta Ah Ee Flydubai Iyo Al-Carabiya Looga Mamnuucay Dalka : Labada Diyaaradood Waxay Ku Iman Jireen Somaliland Fasax Ay Farmaajo Ka Haysteen Waxaanay Diideen Inay Codsi Rasmi Ah Usoo Qortaan Dawladda Somaliland.

Hargeysa,October 17,2020(Haatufonline)- Labada diyaaradood ee Flydubai iyo Al-Carabiya ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa xukuumadda Somaliland joojisay dulimaadyadi dulimaadyadi ay ku iman jireen Hargeysa ka dib marki ay cadaatay in rukhsadda ay Somaliland ku iman jireen ay aheyd mid ay kasoo qaateen dawladda Somalia Isla markaana aanay Somaliland ka haysan wax sharci ah oo ay dalka ku yimaadaan.

Labadan shirkadood ee Flydubai iyo Al-Carabia oo u kala gooshi jiray Dubay iyo Hargeysa ayaa waxa si rasmi ah balse qarsoon wakiil uga ahaa Somaliland Baashe Cawil oo uu sodog u yahay madaxweynihi horee Somaliland Axmed Siiraanyo iyo wasiirkii horee duulista hawada Maxamuud Xaashi.Kadib markii odeyaal kasoo jeeda beesha Baashe Cawil iyo Maxmuud Xaashi ay xukuumadda Somaliland ka codsadeen in labada diyaaradood xiyiraadda laga qaado ayaa waxay xukuumaddu ogolaanshaheeda ku xidhdhay inay labada diyaaradood codsi rasmi ah usoo qortaan xukuumadda Somaliland hasa yeeshe waxa taas diiday maamulka saree Flydubai iyo Al-Carabia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*