Latest News

Gaadhi Siday Adhi Oo Ku Dhacay Jidka Isku Xidha Berbera Iyo Hargeysa Oo Khasaare Ka Dhashay

Hargeysa, October 19, 2020 (Haatufonline) – Gaadhi Xamuul ah oo siday Adhi ayaa saaka ku dhacay jidka Dacar budhuq, oo isku xidha magaalooyinka  Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxaana ka dhashay khasaare baaxaad leh.

Gaadhigan oo ah nooca waaweyn Xamuulka qaada ah ayaa ku qalibmay meel ku dhow Dooxa Dacar oo ku yaalla jidka Berbera iyo Hargeysa, waxaana halkaa ku baaba’ay dhammaan Xoolihii uu siday oo Adhi ahaa iyo gaadhigii oo aad u burburay.

Gaadhiga ayaa siday boqollaal neef oo ah, dhammaantoodna Shilka ayaa ku bakhtiyeen.

illaa hadda War lagama hayo khasaare soo gaadhay Dadkii Gaadhiga la socday, Laanta Nabadgalyada Waddooyinka iyo hay’adaha Amniguna illaa hadda kama hadal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*