Latest News

Gal Gadot Oo Cunsuriyad Xoogle Kala Kulantay Filim Ay Ku Matalayso Boqoradii Masaarida Ee “Cleopatra”

Washington, October 13, 2020 (Haatufonline) – Haweenay jilaa ka ah Aflaanta Hollywood oo magaceeda la yidhaa Gal Gadot ayaa soo bandhigtay inay filim cusub ka jilayso boqoradii reer Masar ee Cleopatra, taas cadho xoogle ka abuuray baraha bulshada.

Haweenaydan Jilaaga ah oo ka soo jeeda Israel ayaa hore usoo jishay filimka “Wonder Woman” oo ay soo saartay Patty Jenkins, oo isla Filimkan boqorada reer Masar laga matalayana director ka ah.

Doorka Haweenaydan Aktarada ah, midabkeeda iyo dalka ay ka soo jeedo ayaa hadalo cadho leh ay kaga yimaadeen dad farabadan oo isticmaalaba baraha bulshada, kagana fal celiyey markii ay soo bandhigtay.

Kuwo badan oo ka falceliyey filimka ayaa sheegay inay foolxumo ku tagay Gal Gadot iyo Hollywood-ba, maadaama oo lagu qarinayo doorka cadaanku leeyihiin, halka kuwo kalena ay jilaaga ku dureen maadaama oo ay ka soo jeedo Israel oo dhul badan ka qabsaday wadamada carabta, isla markaana ay iyadu ay xadayso doorka filimada ee Carabta, sida ay ku dooday Suxufiyada Sammiira Khan oo twitterka soo dhigtay qoraal ay ku cambaaraynayso Jilaaga iyo Filimkaba.

Sidoo kale Haweenayda Jilaaga ah ee Gal Gadot ayaa hore uga soo tirsanayd milatariga Israel markii Israel ay weerartay oo ay duqeysay koonfurta Lubnaan 2006.

Sannadkii 2014-kii, intii lagu guda jiray dagaalkii 52-maalmood ee ay Israa’iil ka wadday marinka Qaza ee ay ku dhinteen in ka badan 3,000 oo Falastiiniyiin ah – oo u badnaa dad rayid ah – waxay u muujisay taageerada ay u hayso ciidanka Israa’iil.

“Waxaan u dirayaa jacaylkayga iyo ducadayda walaalahayga reer Israel,” ayay Gadot ku qoray qoraal ay soo dhigtay Facebook-ga.

“Gaar ahaan dhammaan wiilasha iyo gabdhaha naftooda u biimeynaya inay dalkayga ka ilaalinayaan falalka foosha xun ee ay fuliso Xamaas, kuwaasoo ku gabanaya sida fulayaasha ka dambeeya haweenka iyo carruurta… Waan ka adkaan doonnaa !!! Shabbat Shalom! ” ayaa ka mid ahaa qoraalada ay Haweenaydan Jilaaga ahi ay qortay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*