Latest News

Ganacsatada Maxalliga Ah Oo Khatar Gelin Kara Wadahadallada Nabadda Ee Somaliland Iyo Soomaaliya

Muqdisho, September 28, 2020
(Haatuf) – Madaxweynaha dowlada Federalka ah ee Somalia Maxamed Cabdilaahi
Farmaajo ayaa u jeestay ganacsato damiir laawayaal ahi si ay xoog ah cadaadis
ugu saaraan Somaliland inay aqbasho inay la midowdo Soomaaliya.
Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ayaa la
sheegay inay dhabar jab ku hayaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ay ka
mid yihiin wakiilo maxali ah oo ka shaqeeya shirkadaha duulimaadyada caalamiga
ah, kuwaas oo ruqsadii ay kaga shaqaynayeen Somaliland lagala noqday sababo la
xidhiidha cadaadis uga yimid dhinaca Muqdisho oo ahaa inay joojiso hawlihii ay
ka hayeen  Somaliland muddadii uu socday
fiditaanka Covid-19. Waxaanay shirkadahaasi hadda dhaqdhaqaajiyeen odayaal si
ay madaxweynaha Somaliland ugula hadlaan inuu ka noqdo ruqasadahaasi shaqo ee
lagala noqday.

Sidoo kale waxaa la
abaabulayaa dhalinyaro ka soo jeeda beelaha qaar ee Somaliland oo bilaabay inay
cadaadis saaraan dawlada inay dib u siiso shirkadaha diyaaradaha ruqsadaha taas
oo loo arko inay tahay cadaadis ka imanaya magaalada Muqdisho oo ay ka socdaan
doorashooyin, ay xukuumada Somaliland ugu muujiyaan xumaan.
Kuwa diidan dibin-daabyadan socota waxay ka digayaan
in labada shirkadood ee kala ah Al-Arabia iyo Fly Dubai oo labaduba ka socda dalka
Imaaraatka Carabta ay khatar gelin karaan xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya Abu
Dhabi iyo Hargeysa.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Soomaaliya in lagu
eedeynayo inay xidhiidh la leedahay Ururka Ikhwaanul Muslimiin, taasoo
sameyneysa wax walba oo ay ku carqaladeyn karto xidhiidhka Imaaraatka la
leeyahay wadamada Afrika iyo gaar ahaan Somaliland.
Dowladda Farmaajo ayaa iyadana waxaa lagu
eedeynayaa laba waji u yeeshay wadahadalada nabadeed ee ka socda Jabuuti isla
mar ahaantaasna adeegsaneysa wakiillo gudaha ah si ay xasilooni darro uga
abuurto Somaliland.

Soomaaliya waxay u
isticmaaleysaa doorashada ku soo fool leh Somaliland inay uga faa’iideysato
odayaasha qabaa’ilka iyo gacmo shisheeye si ay uga hortagaan dowladda iyaga oo
kicinaya dhalinyarada.

Dowladda Farmaajo oo horey
loogu eedeeyay inay maalgelisay shirkado shisheeye si ay xasilooni darro uga
dhaliso Somaliland waxay ka heli kartaa caawimaad kale oo maxalli ah odayaasha
iyadoo ku dhiirrigelineysa tartan qabiil iyo ganacsi si loo gaadho wixii ay ku
guuldareysteen inay ka helaan wadahadallada socda.

Soomaaliya iyo Somaliland
waxay kulmeen bishii July si ay uga wada hadlaan sidii loo xallin lahaa
khilaafaadkooda iyadoo wadahadal ka dhacay Jabuuti ay taageereen labada dhinac
ee Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan ayaa waxaa
martigaliyay isla markaana shir gudoominayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele
ee dalka Jabuuti.

Eedeymaha socda iyo
eedeymaha ka soo horjeedka ah waxaa hubaal ah inay meesha ka saari doonaan
kalsoonidii laga dhex dhisay dhinacyada.

Gabagabada maalinta, labada
dhinac waxay ku heshiiyeen in la magacaabo gudiyo farsamo oo wadahadalada sii
wata. Dhinacyadu waxay kaloo ku heshiiyeen in aan la siyaasadeyn kaalmada
horumarinta caalamiga iyo maalgashiga.

Booqashadii wadajirka ahayd
ee ay soo jeediyeen Farmaajo iyo Axmed bishii Febraayo in ay ku yimaadaan
Somaliland ayaa la hakiyay sababta oo ah diidmo xoog leh oo kaga timid
mucaaradka iyo baarlamaanka Somaliland.

Ka dib dagaal dhiig ku
daatay dabayaaqadii sideetameeyadii, oo ay ururada xuquuqul insaanku sheegeen
in ay ku dhinteen tobanaan kun oo ka tirsan gobollada Somaliland ah, Somaliland
waxay ku dhawaaqday gooni isu taagga bishii May 1991 laakiin ma helin aqoonsi
caalami ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial