Latest News

Gari Cad Oo Dhif Iyo Naadir Ku Ah Aduunka Oo Lagu Dilay Gaarisa

Gaarisa, March 11, 2020 (Haatuf) – Gari Cad oo dhadig ah
iyo dhasheedii oo dhif iyo naadir ku ah aduunka ayaa la xaqiijiyay in lagu
dilay Ishaqbini Hirola oo ka tirsan Ijara, Gobolka Gaarisa ee dalka Kenya. 

Garigan ayaa la sheegay inay dileen ugaadhsato sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan deegaankaasi, kuwaas oo tilmaamay in dhasha Garigani uu ahaa dhalashadii labaad ee la soo sheegey bishii August ee sanadkii hore, taasoo keentay in qoyskani ka koobnaadaan seddex Gari oo cadcad.

 “Tani waa maalin murugo u leh bulshada Ijara iyo
Kenya guud ahaanba. Waxaan nahay bulshada keliya ee adduunka ku nool ee aan
mas’uulka ka nahay Gariga cad.

Dilkiisu wuxuu dhabar jab ku yahay talaabooyinka waaweyn
ee ay bulshadu ku doonayso inay ku ilaaliso ama ku daryeesho noocyada dhif iyo
naadir ah ah ee duurjoogta, ”ayuu yidhi Maxamed Axmednoor, maamulaha xarunta
ilaalinta Ugaadha ee Ishaqbini Hirola Conservancy. 

Garigan cadd ee dhadiga ah ayaa sanadkii 2017 qabsatay
bogaga hore ee Warbaahinta Caalamka kadib markii la helay, waxaanay leedahay harag
cad oo ka gaar ah noocyada kale ee Gariga ku nool halkaasi iyo aduunka oo dhan.

Dilka Garigan ayaa sidoo kale mar kale qabsatay
warbaahinta Caalamka oo warkeeda tabinaya.

“Tani waa khasaare muddo dheer ah marka loo eego
daraasadaha hidde-baadhista iyo cilmi-baadhista oo muhiimad dhaqaale u lahayd
deegaanka, oo ay sare u qaadaysay Dalxiiska,” ayuu intaasi ku daray
Maxamed Axmednoor.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial