Latest News

General Burhaan Oo Kormeer Ku Tagay Xadka Iyo Ciidamada Soodaan Oo Dib U Wadaqabsaday Dhulkii Ay Itoobiya Ku Muransaaayeen

Qafaarif December 17,2020(Haatufonline)- Ciidamada dalka Soodaan ayaa hore ugu soo ruqaansaday xuduuda ari ee uu la leeyahay dalka Itoobiya halkaas oo dhawrkii maalmood oo u dambeeyey u ka socday dagaal u dhaxeeya ciidamafa Soodaan iyo beeralay hubaysan oo Amxaaro ah oo ay gacan siinayaan ciidamafa Itoobiya.Beeralaydan ayaa muddo 25 sanadood ah xoog ku haystay dhul beereed lagu qiyaasay 650,000 hecter oo ku yaala gudaha dalka Soodaan.

Dhinaca kale war laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Ruushka Sputnik ayaa sheegay in shalay uu xuduudda kormeer ku yimid General Alburhaan ahna xaakinka guud ee Milateri ee dalka Soodaan.Sputnik waxa kale oo ay sheegtay in ciidamada Soodaan ay haatan gacanta ku wada dhigeen dhamaan dhulkii ay Itoobiya ku muransanaayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*