Latest News

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Lix Xubnood Oo Ka Mid Ah Guddida Doorashooyinka

Hargeysa, (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa
maanta ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah gudida cusub ee  doorashooyinka Somalililand, waxaana ka
maqnaa xubintii xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Lixdan xubnood oo taariikhdoodda aqooneed laga akhriyey
golaha ayaa si caqlabiyad ah mid waliba ugu ansixiyey inuu noqdo guddida
doorashooyinka.

Lixdan xubnood laba ka mid ah oo uu madaxweyne Biixi soo
xulay ayaa muran badan dhaliyey, taas oo keentay inay xisbiga WADDANI
xubintoodii dib ula noqdeen ilaa meesha laga saaro labada xubnood, haseyeeshee
labadii xubnood ee laga cabanayey waxay si rasmiya uga mid noqdeen guddida
doorashooyinka.

Labadan xubnood ayaa kala ahaa Cabdirashiid Riyo raac oo
lagu soo eedeeyey inuu ka mid ahaa xisbiga KULMIYE, halka Kaltuun Xasan Cabdi
oo ku jirtay guddidi hore ee la bedelay, taas oo lagu haystay in aan dib loo
soo celin xubin guddidii hore ku jirtay.

Xubnahna cusub ee guddida doorashooyinka ayaa sheegay
inay si dhex ah u shaqayn doonaan,isla markaana dhaarta ilaahay qaban doonto
hadii ay ka been sheegaan dhaarta iyo kiraabta illaahay.

Dhinaca kale, labada xisbi mucaarad ayaa sheegay in aanay
marna ogolayn gudidaasi cusub ee ay ku jiraan labada xubnood ee laga cabanayey,
waxaanay soo jeediyeen in talloqaran la iskugu iman doonno.

“Waxa ay labada xisbi qaaadaceen wada shaqaynta xubnaha
lagu sheegay komishanka ee lagu keenay sifadda juujubka ah kaas oo loo maray
dariiq sharcig baalmarsan.

Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo
lagaga arinsanayo xaalada uu dalkuu marayo oo masiirkiisu ummadu uu gabi ka
laadaado.”ayuu lagu yidhi qoraal ka soo baxay labada xisbi ee mucaaradka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial