Latest News

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Diiday Xubnihii UCID Iyo WADDANI Usoo Magacaabeen Kominshanka Doorashooyinka

Hargeysa, March 28, 2020 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland oo saaka iskugu yimid fadhi aan caadi aheyn oo ay  cod ugu qaadayeen  labada xubnood ee xibiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID u  matalaya Kominshanka  doorashooyinka. 

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo ah xubinta Xisbiga UCID soo magacaabeen iyo Maxamuud Siciid Dalmar oo uu soo magacaabay xisbiga WADDANI ayaa waxa xubinta xisbiga Waddani ogolaadey 31 xildhibaan , halka xubinta xisbiga  UCID na ay ogolaadeen 29 xildhibaan .

Sidoo kale Xubin kasta oo kominshan waxaa looga baahan yahay  oo ay ku ansaxeysaa ugu yaraan 41 xildhibaan , sidaas-na waxaan ku ansixin labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matali lahaa kominshanka doorashooyinka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*