Latest News

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerar Kala Duwan

Hargeysa, (Haatuf) – Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Somaliland ee Maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu  ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel  lagu sameeyey qaar ka mid ah xeerarkii hore u jirey.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib, waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:

Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo

Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxaanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiillada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*