Latest News

Golaha Wasiirrada Somaliland Oo La Horkeenay Qorshaha Dhisida Guryaha Shaqaalaha, Ansixiyeyna Siyaasad Cusub.

Hargeysa, September 17, 2020 (HaatufOnline) – Fadhigii
64aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka
iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha,
laguna ansixiyey siyaasad cusub.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa
golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib
wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka 
iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha
shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo
nashqada  ay noqon doonaan guryahaasi,
wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo
kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha
shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u
leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay
arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.

Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka
hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta
maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood.

 ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial