Latest News

Guddida Ka Hortaga Xanuunka Caronavirus Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Ururada Bulshada Rayidka

Hargeysa, April 4, 2020 (Haatuf) – Guddida ka hortaga
xanuunka Coronavirus ayaa kulamo la qaatay ururada bulshada rayidka ah ee
Somaliland, kuwaas oo kulankooda diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa
xanuunka saamaynta weyn ku yeeshay adduunka.

Guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa talooyin ka
dhagaystay xubnihii Ururada bulshada rayidka ah ee ay kulanka la yeeshay, waxaanay
sidoo kale is dul taageen qodobo muhiim ah oo lagaga hortagi karo xanuunka caalamaka
ku fidaya ee COVID19.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa isagu madasha
kulankaasi ka sheegay in xanuunkani uu leeyahay ka hortag, ka hortagaasina ay
ugu horayso wacyigalin u baahan la galiyo fikir iyo dedaal.

Geesta kale Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in
barnaamijka guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ay tahay inay la kulmaan
daneeyeyaasha arintan oo ay ka mid yihiin Bulshada Rayidka ahi, Ganacsatada iyo
Culimaa’udiinka Somaliland.

Dhinaca kale Kulanka waxa ka qaybgalay xubno tiro badan
oo ka socday Ururrada Bulshada rayidka, sida ururka Dhakhaatiirta, Ururrada
Haweenka iyo dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Masuuliyiin ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ahmiyada ugu
weyn la siiyo sidii meel qudha looga wada duuli lahaa, sida uu madasha kaga
dhawaaqay madaxa Dallada SONSAF Mr. Anwar oo xusay in ay u taagan yihiin ka
shaqaynta wax kasta oo qaranka laga xakamaynayo faafista cudurkaasi.

 “Ururada bulshada
Rayidka ahi waxa ay sameeyeen WhatsApp aanu doonayno in aanu macluumaadka ku
wadaagno, intayadanina waa intii aau guddida ka soo xulnay.

Ujeedada loo sameeyeyna waxa weeyi doorkii wacyigalineed
ee ururada bulshadu lahayd ee ay kaga qayb qaadan lahaayeen ka hortaga
xanuunkan,” ayuu yidhi madaxa Dallada SONSAF Mr. Anwar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial