Latest News

Guddida Ka Hortaga Xanuunka Coronavirus Oo Sheegay Inay Keenayaan Mishiin Lagu Baadho Dadka Looga Shakiyo Xanuunkaasi

Hargeysa, April 7, 2020 (Haatuf) – Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id qabatay, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabiyihii ay ka hadleen qodobbadan soo socda:

  1. Waxa dhawaan dalka iman doona oo la dalbay mishiinka lagu baadho Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR oo dadkii ka shaqayn lahaana lagu soo tabobaray dalka Kiiniya.
  2. Ilaa iyo imika waxa dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunkan iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, waxaana la sugayaa inay natiijadu maalmaha soo socda soo baxdo.
  3. Ilaa iyo haatan ma jirto cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.
  4. Waxa dhawaan baxaya 186 hawl-wadeen oo wata 62 gaadhi, kuwaas oo mari doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, isla-markaana wacyigelin doona bulshada, waxaana ay hawl-wadeennadani ka socdaan wasaaradaha horumarinta caafimaadka iyo warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*