Latest News

Guddoomiyaha Shirkadda DP World Oo Wadamo Afrikaan Ah Oo Somaliland Ku jirto Ku Tilmaamay Meelo Markay Maalgashi Dibadeed Helaan Uu Ka Abuurmi Karo Kobac -Dhaqaale Oo Dheeftiisu Dadka Wada Gaadhi Karto

Dubai,December 26,2020(Haatufonline)-Guddoomiyaha Shirkadda DP World Suldan Axmed Bin Sualem ayaa wadamada Somaliland,Senegal,Rwanda Masar iyo Angola tusaale ahaan usoo qaatay mar uu ka hadlayey meelaha hadii lagu sameeyo maalgashi dibadeed uu ka abuurmi karo kobac-dhaqaale oo dheef ahaan dadka wada gaadhi karaa.

Waraysi uu siiyey telefishanka Alcarabiya ayaa Suldaan Alsualem waxa kale oo uu kaga hadlay ahamiyadda uu maamul wanaaggu u leeyahay soo jiidashada maalgashiga ajnabiga ah.

Mr Suldaan waxa uu si gaar ah u xusay sida uu ula dhacsanyahay wada shaqeynta uu la leeyahay madaxda Somalilsnd iyo Senegal waxaanu yidhi ” aad iyo aad baan ugu faraxsaahay inaan la shaqeeyo madaxweynaha Senegal @Macky_Sall iyo madaxweynaha Somaliland @musebiihi iyadoo aanu diiradda saarayno sidii Senegal iyo Somaliland u noqon lahaayeen labo xarumood oo waaweyn oo lagu qaybiyo,kalawareejiyo lagana daabulo badeecadaha oo kala qaabilsan galbeedka iyo bariga Afrika”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*