Latest News

Hargeysa: Nin Mindi Ku Weeraray Arday Iskuul Ka Soo Baxay

Hargeysa, (Haatufonline) –  Abaaro Labadii Duhurnimo ee maanta ayaa Nin ku hubaysani Mindi waxa uu ku weeraray Arday 14 jir ah oo ka soo baxay Imtixaanka Dugsiga Xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, sida ay HCTV u sheegeen dad goobjoog ah.

Ninkan ayaa laba jeer Ardayga Mindida kaga dhuftay Misikta iyo Bawdada, waxaana qabtay ka qabtay Ardayga dad goobta joogay.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhabta ah ee ninkani u weeraray Ardayga, balse Axmed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay ayaa sheegay in markii uu waydiiyey sababta uu Ardayga midida ula dhacay ayaa sheegay inuu u sheegay inuu ka amaan waayey.

Ciidamada Bileyska ee Saldhiga Bileyska ee xaafadda Sheekh Nuur ayaa xidhay ninka dhaawacyada u gaystay Ardayga lskuulka ka soo baxay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial