Latest News

Hargeysa Oo Laga Daahfuray Mashruuc 50 Qoys Oo Danyar Ah Shaqo Loogu Abuuray

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabidlaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daah-furay munaasibad balaadhan oo ay soo agaasintay Wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoysku taasi oo shaqo abuur loo gu sameeyey in ka badan 50 qoys oo ka socda Gobolada Somaliland.

Dadka loo sameeyey Shaqo abuurka ganacsiyeed oo ka kala yimi Gobolada Somaliland ee Salel illaa Badhan oo halkaasi ka hadlay ayaa cabiray dareenkooda ku aadan shaqo abuurka loo sameeyey, waxaana ay Xukuumadda iyo Wasaaradda Shaqo gelinta ku amaanneen hannaanka wanaagsan ee ay u sameeyeen, waxaana ay soo dhaweeyeen maalgashiga loo sameeyey.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo gebogebadii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Salaan ka dib waxaa maanta sharaf weyn ii ah in aan kasoo qeybgalo shaqo abuurkan dadka danyarta ah ee ku filiqsan dhammaan degmooyinka Somaliland, gees ka gees oo runtii aan aad iyo aad ugu hambalyeynayo wasaaradda inay isu keentay dad kala duwan oo ka yimi degmooyinkii dalka, oo dad danyar ah oo la rabo in noloshoodii wax laga bedelo aad iyo aad baan runtii wasiirka iyo shaqaalihiisaba ugu mahadnaqayaa”

Madaxweyne ku xigeenka oo sii wata hadalkiisa ayaa tallooyin iyo dardaaran u jeediyey dadka shaqo abuurka loo sameeyey isagoo ku booriyey inay si wacan wax u maamulaan islamarkaana ay higsadaan meel halkaasi ka saraysa waxaana uu yidhi markale Madaxweyne ku xigeenku “Kunka tallaabo waxaa la yidhaahda waxay ka bilaabmaan hal tallaabo, ganacsadayaasha aad maanta maqashaan ee lacagta badan haystaa waxay halkaa ku gaadheen Ilaahay oo ay tallo saarteen iyo shaqada qofka oo dedaalay, arrintu kama soo hadho maamul, waxa yar ee lagu dhiibay haddaad si fiican u maamusho meel baad gaadhsiin kartaa, waxaa laydiinka baahan yahay inaad hawshaa laydinku caawinayo inaad si wanaagsan u maamushaan oo beritoole meel halkaa ka saraysa aad gaadhaan insha allaah”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*