Latest News

Hawlgalkii Shalay Lagu Khaarajiyey Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Oo La Sheegay In Laga Soo Abaabulay Meel Laascaanood Ka Baxsan

Laascaanood,March 3,2020(Haatufonline)-Ilo-wareedyo dhawr ah ayaa sheegay in hawlgalki shalay lagu khaarajiyey Guddoomiyihi Maxkamadda Gobolka ee Laascaanood Xasan Sh Maxameuud uu ahaa mid laga soo abaabulay goob ka mid ah gobolka Sool oo ka baxsan magaalada Laascaanood Iyadoo loo adeegsaday qarax ka dhashay bom lagu xidhay gaadhigi garsooraha geeriyooday .

Inkastoo aanay wali jirin cid sheegatay Qaraxa lala beegsaday garsoore Xasan Sheekh hadana waxa la aaminsanyahay inay fulisay koox argagixiso ahi iyadoo lagu xidhiidhinayo xukin dil ah oo garsooruhu ku xukumay nin eer Buuhoodle ah oo dil geystay isla markaana lagu soo eedeeyey argagixisinimo kaasoo 1/8/2018 lagu fuliyey dilki uu ku xukumay garssore Xasan Sh Maxamuud.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*