Latest News

Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Xerada Xalane Oo Ugu Yaraan 3 Qof Ay Ku Dhinteen

Muqdisho, March 25, 2021 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen, shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib hoobiyeyaal markale maanta lagu weeraray xerada Xelane.

Xeradan Xalane ee hoobiyeyaasha lagu weeraray ayaa waxa degan ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM Iyo Qaramada Midoobay, waxaanay warbaahinta Somalia ay ku waramaysaa in tiro madaafiic ahi ay ku dhaceen dhismayaal ay dad rayid ahi degenaayeen.

“Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux ka dib markii madfac ku soo dhacay guri ku yaalla degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xalane, Aabihii qoyska iyo wiil yar oo umul lagula jiray ayaa dhintay waxaana dhaawacmay 3 ruux oo isla qooyskaas ah,” ayuu yidhi qof goobjooge ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambye tegay goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey agagaarka xeyndaabka Xalane.

Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaadheen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*