Latest News

Mustaf Caato Oo Ahaa La-Taliyaha Iyo Shaqsiga Loo Diyaariyey Inuu Badalo Horjoogaha Al-Shabaab Oo La Dilay

Muqdisho, May 11, 2020 (Haatuf) – Ilo Wareedo laga helayo Somalia ayaa sheegaya in la dilay Mustaf Caato oo ahaa la-taliyaha horjoogaha kooxda Al-shabaab Abu Cubayda, waxaanu dilkani imanaya xili xurgufi ka dhex jirtay kooxda mudooyinkii u dambeeyey.

Hase yeeshee waxay wararku intaa ku darayaan in Mustaf Caato oo ahaa la taliyaha iyo shaqsiga sida aadka ah ugu dhow Abu Cubayda oo ahaa horjoogaha kooxda Al-shabaab in loo diyaarinayo in lagu wareejiyo sidii uu u hoggaamin kooxdaasi mayalka adag.

Waxa iyaguna jira in Mahad Kaartay oo sidoo kale loo yaqaan Cabdirahman Maxamed Warsame Iyo Fahad Yaasiin ay isku diyaarinayaan la wareegida kooxda Al-shabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*