Latest News

IGAD Oo Soomaaliya Ku Wareejisay $100,000 Oo Lagula Dagaalamayo Coronavirus

Muqdisho, April, 07, 2020 (Haatuf) – Xoghayaha joogtada
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur
Xaaji ayaa shalay ka guddoomay jeeg ay ku qoran tahay 100,000 doolar Jamaal
Axmed, oo sarkaal sare oo isku-xidhe ka ah Xafiiska IGAD ee Muqdisho, iyadoo
kaalmadaasi lacageed ay tahay hindise iskuduubni oo ka timid shaqaalaha urur
goboleedkaasi oo ay ku garab istaagayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
dagaalkeeda ka dhanka ah Karoona feyrus oo loo soo gaabiyo magaciisa COVID-19.

IGAD waxa ay ka soo uruurisay 700,000 doolar oo
tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo
ee guud ahaan gobolka, tani oo tilmaan u ah u diyaargarowgooda ka
qeybqaadashada dadaallada lagu bixinayo bedqabka iyo ka ilaalinta muwaadiniinta
IGAD xanuunka Karoona feyrus iyo muujinta taageero garab-istaag u ah wadamada
gobolka, iyadoo lacagta loo kala qeybiyay dhammaan xubnaha ururka si siman.
3 April, Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay
ku dhawaaqday in ay diiwaangelisay labo xaaladood oo cusub oo ah bukaanno la
dhiban xanuunka Karoona feyrus, taasi oo sare u qaaday tirada guud,
gaarsiisayna 7 bukaan, iyadoo mid ka mid ah bukaannadaasi uu ka soo kabtay
xanuunka, mana jiro wax dhimasho ah oo uu sababay cudurkani saf-marka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial