Latest News

Imaatinka General Al-Burhaan Ee Addis Maanta : Dagaalka Ay Abiy Axmed Iyo Afwerki Damacsanyihiin inay Ku Qadaan Gobolka Tigray Waxa Qorshehiisa Ka Dhiman Dalka Sudan Oo Ogolaada Inay Xidhaan Jidka Makele-Kasala Ee Sudan Gala

Addisababa,November 1,2020(Haatufonline)-Booqashada uu hogaamiyaha golaha sare ee Sudan Cabdulfataax Alburhaan saaka ku yimid caasimadda dalka Ethiopia ayaa la aaminsanyahay inay soo dadajin karto ama woxoogaa dib u dhigi karto dagaalka ay Abiy Axamed iyo Asiais Afwerki damacsanyihiin inay ku qaadaan gobolka Tigray.Siday dadka faaqida siyaasada ee u dhuun daloola arintani tibaaxayaan qorshaha dagaal ee labada hogaamiye ee Ethiopia iyo Eritrea ay wada dhigeen waxa ilaa hadda ka dhinna in Sudan laga helo ogolaanshaha inay dhinacooda ka xidhaan wadada isku xidha gobolka Tigray iyo magaalad Kasala ee Sudan ku taala taasoo la sameeyey xiligii uu Meles Zinawi xukumayey dalka Ethiopia isla markaana ay Tigreego 15kii sanadood ee u dambeeyey soo marin jireen badeecadha iyo shidaalka ay kala soo dagaan dekadda Port Sudan.

Sudan ka sakow gobolka Tigray waxa ku xeeraan oo uu xad dheer la leeyahay Eritrea iyo gobolka Amxaarada inkastoo ay gobolka Cafarta dhul baaxaddiisu aad u yartahay ay iska soo galaan.Sidaas darteed waxa la filaya in dagaalka ka dhanka ah gobolka Tigray uu degdeg u qarxo hadii uu Al-burhaan ka ogolaado raiisalwasaare Abiy Axmed in Sudan ka qaybqaadato go’doominta gobolka Tigray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*