Latest News

India Oo Oo Soo Rogay Bandoodii Ugu Dheerayd Ee COVID-19

New Delhi, April 14, 2020 (Haatuf) – Raysal Wasaaraha
Dalka India Narendra Modi oo maanta khudbad u jeediyey qarankiisa, ayaa ku
dhawaaqay xanibaadii ugu mudada dheeray ee lagaga hortagayo Cudurka sida
xawiliga ah u faafaya ee Covid19.

Mr Modi waxa uu ku dhawaaqay in xanibaadu ay sii socon
doonto ilaa bisha May sadexdeeda, suurtagalna ay tahay mudadaasi laga kordhiyo.

Ugu yaraan todoba gobol oo kala ah dal weynaha India oo
ay ka mid yihiin— Maharashtra, Odisha, Punjab, Galbeedka Bengal, Karnataka,
Tamil Nadu iyo Telangana — ayaa hore u kordhistay xanibaada ilaa bisha April
30.

Hase yeeshee Khudbada Raysal Wasaaraha dalka India
Narendra Modi ayaa noqonaysa tii saddexaad ee uu qarankiisa u jeediyey sodonkii
maalmood gudahood oo ku saabsan cudurka faafaya ee coronavirus, waxaanu 19-kii
March uu Raysal Wasaarihu soo dhigay badnoodii maalinta oo dhan ahayd oo ka
bilaabmaysay 22 kii March.

Khudbadan saddexaad oo ahayd fariin muuqaal video ah oo
laga soo duubay Raysal Wasaaraha ayaa waxa uu ku sheeay in markii ay la
tashadeen Maamul goboleedada iyo khubarada, oo dhawr gobolna ay horeba u
kordhiyeen xayiraadaha ayaa waxa aanu go’aansanay ilaa bisha May saddexdeeda in
guryaha la joogo.

Waxaan ka codsanayaa dhamaan dadka dalku inay ka
hortagaan coronavirus meelkasta oo ay ku sugan yihiin, ayuu yidhi raysal
wasaaruhu, isagoo intaa ku daray waa inaynaan ogolaan in tiradu korodho kharash
kasta oo ay ku kacayso.

Dalka Hindiya oo ah dalka labaad ee uu dadka badan
adduunka oo ku yaala Koonfurta Qaarada Ashiya ayaa laga diiwaangaliyey 10,000
kii oo cudurka COVID19 ah.

Halka Tirada uu sahayd eek u dhintayna ay gaadhay 340 qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial