Latest News

Ingiriiska Oo Cusboonaysiiyay Xayiraadaha Safarka Ee Soomaaliya

London, July 17, 2020 (Haatuf) – Dowladda Boqortooyada
Ingiriiska ayaa dib u cusbooneysiisay xayiraadihii dhanka safarka ee ay ku
joojisay Soomaaliya iyada oo muwaadiniinteeda ku boorisay in aysan u safrin
Soomaaliya.

Xafiiska Arimaha Dibada ee UK, ayaa ka digay in
Soomaaliya aanay wali daganayn isla markaana ay qatar ugu jirto weeraro
argagixiso.

UK, waxay kula talisay muwaadiniinteeda tagaya Hargeysa
iyo Berbera inay feejignaadaan.

“Argaggixisada waxay u badan tahay inay isku dayaan inay
weerarro ka fuliyaan gudaha Soomaaliya’ iyagoo intaas ku daray inay jirto
khatar sare oo afduub oo dalka oo dhan ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

In ka badan seddex sano oo hor leh ayay Uk kordhisay
xayiraadaha dhanka safarka Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial