Latest News

Iran Oo Shacabkeeda U Ogolaatay In Ciid-al-Fitriga Ku Tukadaan Goobo Furan

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2020-05-17 09:22:04Z | |

Tehran, May 17, 2020 (Haatuf) – Xoghayaha guddida la
dagaalanka cudurka Coronavirus ee dalka Iran, Xusayn Kazemi ayaa sheegay in
salaada Ciidal Fitrigu ay ka dhici doonto goobo furan sida garoomada kubadda
lagu ciyaaro iyo dhamaan meelaha kale ee banaan ee ku yaala guud ahaan
magaalooyinka dalka Iran.

Waxaanu intaasi ku daray Mr Hossein Kazemi, Xoghayaha
Guddida la dagaalka Coronavirus ee dalka Iran in aan la ogolaan doonin meelaha
ay dadku aadka ugu tirade badan yihiin, sida ay ku warantay wakaalada Wararka
ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ee (IRNA).

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Hudheeladu la furi doono
ramadaan ka dib, iyadoo la qaadi doono in lagula xiisaabtamo ilaalinta
caafimaadka iyo nadaafada guud.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial