Latest News

Isimada Puntland Oo Ku Guulaystay Inay Isku Keenaan Madaxweynaha Deni Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Khilaaf Ka Dhexeeyo

Garoowe, June 2, 2020 (Haatuf) – Isimada Puntland ayaa maanta ku guulaystay inay markii ugu horeysay is horkeenaan madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, kuwaas oo uu ka dhexeeya khilaaf ka dhashay dhinaca wada shaqaynta.

Isimada Puntland ayaa shalay illaa doraad kulamo gooni
gooni ah la qaadanayay labada masuul waxayna mid kaste ka dhegaysanayay
waxyaabaha keenay khilaafka iyo sida ugu haboon ee lagu xallin karo.

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa haatan lagu dhex
dhexaadinayaa kulan ka socda xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe, waxaana
aad loo adkeeyay ammaanka xarunta barlamaanka iyo hareeraheeda.

Isimada Puntland ayaa mar kasta ah hay’adda ugu sareysa
ee u taagan xallinta khilaafyada caynkaan oo kale ah, waxayna horey xal uga
gaareen khilaafyo dhexmaray madaxda Puntland.

Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlay khilaafka ayaa
cambaareeyay dadka buunbuuninaya khilaafkaas wuxuuna sheegay in isaga iyo ku
xigeenkiisa ay isku qabteen arimo shaqada la xidhiidhta ayna tahay wax dhici
jiray oo laga heshiindoono.

Khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenkiiisa ayaa noqday
hadal haynta ugu badan degaanada Puntland, waxaana uu saameyn ku yeeshay
shaqooyinkii iyo kulamadii golaha wasiiraddu yeelan jireen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial