Latest News

Jabuuti Oo Shaacisay Afar Qof Oo Ka Yimid Somaliland In Laga Helay Coronavirus

Jabuuti, March 30, 2020 (Haatuf) – Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo kasoo laabtay dhinaca Somaliland in laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii baadhitaan lagu sameeyay iyagoo ku sugan degmada Lowyacadde ee xuduuda labada dal kutaala.

Xoghayaha caafimaadka Jabuuti, Dr. Saalax Benoyta, ayaa sheegay in dadkaasi laga helay cudurka Coronavirus ay doonayeen inay Jubuuti ku galaan safar lug ah kadib markii la mamnuucay socdaalkii dhinaca hawada.

Warar kale waxay sheegayaan in dadkaasi markoodii hore ay ka yimaadeen meelo ka baxsan Somaliland, balse markii la xidhay hawada Jabuuti ay socdaalkooda usoo wareejiyeen dhinaca dhulka, iyagoo kadibna safar lug ugusoo ambo baxay Jabuuti.

Somaliland, arintaan weli kama aysna hadlin, waxayse tani keenaysaa walaac horleh oo ku saabsan fiditaanka cudurka, maadaama aan cudurka hore looga soo sheegin Somaliland.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka ee dalka Jabuuti waxay hadda maraysaa 18 qof.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*