Latest News

Jadwalka Doorashada Somalia Iyo Shaxda Meelaha Ay Ka Dhacayso Oo La Soo Saaray

Hargeysa, September 2, 2020 (Haatufonline) – Jadwalka doorashada ka dhacaysa dalka Somalia 2020 iyo 2021 ayaa rasmi ah loo soo saaray, ka dib markii hannaanka ay doorashada ku dhacayso ay ka heshiiyeen Dowladda Federaalka Somalia, dowlad-gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Jadwalka ayaa muujiyay xilliga ay dhacayso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somalia.

Waxaana la soo bandhigay Shaxda ku asteynta kuraasta Golaha Shacabka ee doorashada 2020/2021, oo ay ku cad yihiin magaalooyinka ay doorashooyinku ka dhacayaan ee dowlad-gobolleedyada hoos yimaada dawlada Federalka ah.

Shaxdan ayaa lagu sheegay in wadarta guud ee xildhibaanada Federaku ay noqon doonaan 275 xildhibaan.

Taas oo doorashada la sheegay inay ka dhici doonto Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeele, Koonfur Galbeed, Banaadir, iyadoo xubnaha matali doonta Somaliland lagu dooran doono Banaadir.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*