Latest News

Jidka Tareenka Ee Isku Xidha Ethiopia Iyo Djibouti Oo Xidhan

Jigjiga, July 28, 2021 (Haatufonline) – Madaxweynaha dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafa Mohammed Omar, ayaa sheegay Arbacadii maanta inuu xidhmay jidka tareenka ee muhiimka u ah ganacsiga ee isku xidha Ethiopia iyo Djibouti.

Madaxweyne Mustafa Mohammed Omar áyaa intaasi ku daray inay jidkan xidheen ama ay jareen maalintii Sabtida dhalinyaro deegaanka ah oo ka gadooday weerar dad Soomaali ah lagu soo qaaday oo lagu laayey.

Jidkan u dhexeeya dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayay maraan badi alaabta u socota dalkan aan badda lahayn ee Ethiopia oo ay ku noolyihiin ilaa 110-ka milyan oo qof.

Madaxweynaha dawladd deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, waxaanu intaasi ku daray in ay ka shaqaynayaan sidii ay u furi lahaayeen jidkaasi tareenka iyo wadada ee isku xidha Djibouti iyo Ethiopia, isla markaana ay arintaasi kala hadleeen dhalinyarada iyo dadka deegaanka.

Maalintii Salaasadii ayay ahayd markii masuuliyiinta dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia ay sheegeen in maleeshiyaad ka soo jeeda Cafarta ay weerareen dad Soomaali ah oo degan deegaamo labada dawladdood ay ku muransan yihiin.

Connect with us on Facebook