Latest News

Joe Biden Oo Noqday Madaxweynaha La Doortay Ee Dalka Maraykanka

Washington, November 7, 2020 (Haatufonline) – Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ayaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka, kaas oo noqon doona Madaxweynihii 46aad ee soo mara dalka Maraykanka kadib markii uu ka guulaystay Madaxweyne Donald Trump.

Joe Biden ayaa ka sara maray codadii Ergo doorasho ee loo baahnaa, waxaanu gaadhay 290.

Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka ayaa hore Madaxweyne ku xigeen u soo noqday madaxweynihii hore Barack Obama.

Waxaana wakhti xaadirkan Madaxweyne ku xigeen u noqon doonta Joe Biden, haweenayda Madowga ah ee Kamala Harris, taas oo noqon doonta haweeneydii ugu horeysay ee qabata xafiiska Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka.

Guuldarada doorashada madaxweyne Trump ayaa ka dhigeysa madaxweynihii 11aad oo Mareykanka oo lumiya in mar kale dib loo doorto.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*