Latest News

Kadib Markii U U Jaray Farmaajo Ayuu Kenyatta Maanta Ka Dagay Kongo

Kinsasha,April 20,2021(Haatufonline)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta soo gaadhay Kinsasha oo ah caasimadda Jamhuuriyadda Kongo ee Dimuqraadiga ah ka dib markii uu ka baqday inuu shalay yimaado halkaas si uu ula kulmo madaxweynihii hore ee Somalia Farmaajo.
Sida ay ilo madaxbanaani sheegeen madaxweynaha Kongo oo dhawaan Qadar nooqday ayaa doonayey inuu wada hadalsiiyo Kenyatta iyo Farmaajo si ay heshiis uga gaadhaan muranka xuduuda badda ee labadaas u dhaxeeya.Dawladda Qadar ayaa sheerar ku leh shirkadaha rukhsadaha loo siiyey inay shidaal ka baadhaan badda lagu muransanyahay ee u dhaxaysa Kenya iyo Somalia waxaana soo ifbaxaya warar sheegaya in Amiirka Qadar uu ka dalbaday madaxweynaha Kongo oo sanadkan ah guddoomiyaha Midowga Afrika inuu dhexdhexaadiyo Kenya iyo Somalia si khilaafkaasi xuduuda badda loo soo afjaro.

President Uhuru Kenyatta with the President of the Democratic Republic of the Congo, H.E. Felix Tshisekedi when he saw him off at JKIA, Nairobi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*