Latest News

Kalfadhiga 7aad Ee Baarlamaanka Somalia Oo Buuq Hadheeyey Markii Madaxweyne Farmaajo Khudbada Bilaabay

Muqdisho, June 6, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee  Baarlamanka federaalka ah ee dalka ayaa waxa uu si weyn uga hadlay arrimaha doorashooyinka qaranka ee la filayo in dhammaadka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda ay ka dhacaan waddanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qeexay in dowladda uu hoggaamiyo ay dooneyso in ay qabato doorasho waqtigii loo asteeyay ku dhacdo, islamarkaana ka bedalan kuwii horay waddanka looga qabtay, waxa uuna qiray in dadku ay soo dooran doonaan cidda ku mataleysa hoggaanka dalka.

“Way muuqaataa in doorashada aan qaban donna ay wax badan ka duwan tahay doorashooyinkii horay dalka looga qaban jiray” ayuu madaxweyne Farmaajo u sheegay Baarlamanka.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa aaminsan in sida hadda dowladdu ay wax u waddo aan lagu gaari Karin in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, walow Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka ay weli ku dhiirranyihiin in Soomaaliya doorasho  shacabka ay codeeyan laga hirgelin karo.

“Sanadkii 2018-kii shirkii madaxda dowladda Federaalka ah iyo kuwa maamul Goboleedyadu ay ku yeesheen Baydhabo ayaa lagu go’aamiyay in dalka laga qabto doorasho  hufan oo ka duwan sooyaalkii doorashooyinkii hore” ayuu mar kale madaxweyne Farmaajo sheegay.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo khudbadiisii maanta uu wax badan kusoo qaaday, haddana waa tii ugu dembeysay uu Kalfadhi furmayo uu Baarlamanka ujeediyo inta hadda lagu guda jiro muddo xileedkiisa dhammaadka ku dhow. Hase-ahaatee waxa uu maanta la kulmay buuq ka dhashay gudaha Aqalka xildhibaannada, maadaama xubnaha mudanayaasha qaar ay madaxweyne Farmaajo aysan la dhacsaneyn hannaanka geeddi socodka dowladdiisa. Si kastaba-ha-ahaatee, waxaa si weyn loo eegayay khudbada Madaxweynaha gaar ahaan arrimaha doorashada qaranka, taas oo uu mar kale sheegay in la qaban doono doorasho ku qotonta qof iyo cod.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*